Sidaa ayaanu u habaynaynaa Iswiidhan

Maxaa ku dhacay Iswiidhan? Hadda waxaynu nahay dalka Yurub ee ay ka dhacaan toogashooyin badan oo la xiriirta kooxaha gaangiska, iyadoo ay sii kordhayso takooridu iyo qiimaha korontadu oo cirka isku shareeray –
inkasta oo ay jirto culayska cashuuraha afraad ee adduunka ugu sarreeya. Markaa ma rabno inay sidaa ahaato.

______________________________________________________________________

Iswiidhan – waa wadan/dal markii hore ka mid ahaan jiray dalalka ugu ammaanka badan caalamka, waxa uu hadda ka mid yahay dalalka Yurub ee ay sida aadka ah u saameeyeen rabshadaha dilalku ah ee ay geystaan ​​kooxaha dembiilayaasha ahi. Dalkan oo markii hore isku tilmaami jiray inuu tusaale u yahay isbeddelka cimilada ayaa hadda guba shidaalka saliida si uu u kululeeyo guryaha marka ay dabayshu aad u yar tahay. Dalkii ku faani jiray shaqo sare oo uu fursad qof kastaa ku tagi jiray safar heersare ah, hadda waxa jooga 1.3 milyan oo qof oo aan masruufkooda la soo bixinkarin.

Iswiidhan dhibaatooyin waaweyn ayaa ka jira, laakiin waa la xalin karaa

Macquul ma aha in Iswiidhan ay noqotay dalka Yurub ugu badan ee ay ka dhacaan toogashooyinka la xiriira kooxaha gaangiska ah, balse ku jira kaalinta saddexaad ee dhinaca booliska yaraanta/ugu hooseeya Waa wax aan macquul ahayn inay meel dheer gaadho oo ay seddexdii dumar ahba mid ka mid ahi ay ka cabsato inay bannaanka fiidkii aado.  In carruurta lagu dhaco oo lagu bahdilo waddo bannaan. In ragga wax kufsada loo xukumo oo la siiyo magdhow ka weyn kan dadka dhibbanayaasha ah. Markaa ma rabno inay sidaa ahaato. 

In aanay macquul ahayn in qoysasku ay urursadaan kaalmada dhaqaale si kuwa shaqayn kara aakhirka aanay wax qiimo ah ula lahayn inay shaqada lacag ka qaataan . In aanay macquul ahayn in  shaqo bixiyeyaashu ay la tartamaan nidaamka kaalmada dhaqaale iyo xooga shaqalaha.  Ka mid noqosho la’aanta iyo tirada xaafadaha dhibaatadu ka taaqan tahay oo sii kordhaya, inkastoo tobanaan sano la waday doodo ku saabsan muhiimada ay leedahay isdhexgalku. Markaa ma rabno inay sidaa ahaato.

Waa wax aan macquul ahayn in wax ka yar kala badh dhammaan dadka qaba kansarka naasaha iyo kansarka qanjirka xixiinyaha ’prostate’ la siiyo daryeel wakhti ku habboon, in natiijooyinka dugsigadu ay hoos u dhacaan oo uu daryeelka waayeelka yaraado, waddan leh culeyska canshuuraha ee afaraad ee adduunka oo inta badan ay ku bixiyaan wax ka badan kala bar dakhligooda canshuurta. . Markaa ma rabno inay sidaa ahaato.

Waa wax aan macquul ahayn in waddan dhistay qaybo badan oo hantidiisa ah si aan caadi ahayn oo wanaagsan ay ku dhacdo koronto la’aan, lagu kalsoonaan karo oo la awoodi karo oo ka jirta waqooyiga iyo koonfurta in uu si firfircoon u joojiyo tamarta nukliyeerka ee shaqaynaysa. Markaa ma rabno inay sidaa ahaato.

Haddaba sidee ayeynu ku nidaamin karnaa Iswidhan?

”Cidina ma diidikarto inay Iswiidhan dhibaatooyin waaweyni ka jira, laakiin waa la xalin karaa” Waxaas oo dhammi waxay u baahan yihiin dawlad cusub in la doorashada 2022 ka dib. Dawlad la shaqayn karta cid kasta, si wax loo qabto.

  • Si dambiyada loo nidaamiyo, waxaa loo baahan yahay ciqaab adag oo u dhiganta culayska fal-dembiyeedka iyo siyaasad sharci ah oo qofka dhibanaha ah ka ilaalinaysa dembiilaha. Ka akhri warbixin dheeraad
  • Si loo nidaamiyo ka mid noqosho la’aanta iyo ku-tiirsanaanta kaalmada dhaqaale, waxaa loo baahan yahay khad/layn shaqo taas oo macnaheedu tahay inay had iyo jeer shaqadu ka faa’iido badan tahay kaalmada dhaqaale ee la bixiyo. Ka akhri warbixin dheeraad ah
  • Si loo nidaamiyo dhibaatada tamarta, waxa loo baahan yahay maalgelinta tamarta nukliyeerka si loo badbaadiyo helida korontada oo loo yareeyo cadaadiska cimilada. Ka akhri  warbixin dheeraad ah
  • Waana inaynu helnaa qiimaha lacagta canshuurta, inaga oo ku heleyna qaab daryeel iyo nabadgelyo taas  oo ku nool magaceeda Ka akhri warbixin dheeraad ah